Xildhibaanada Baarlamaanka oo loogu baaqay inay dhistaan Xarunta Golaha Shacabka

Sunday, May 3, 2015
Jowhar
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay dhistaan Xarunta Golaha shacabka oo ka mid aheyd xarumihii ku bur buray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha dibada ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay iska jaraan mushaarkooda oo ay dhistaan xaruntan oo ah muraayadii dalka.

“Waxaa ugu baaqaya Xildhibaanada inay isku tashtaan oo ay dhistaan xarunta Golaha shacabka oo ah muraayadii dalka, si gaar ah waxaan u ogeysiinayaa inay iska jaraan mushaarkooda”ayuu yiri Prof. Dhalxa oo xusay inay nasiib darro tahay in xarun sidaas u bur bursan, qeybna ka dhisan qeybna ka bur bursan in lagu shaqeeyo.

Prof. Dhalxa ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada is xilqaamaan la dhiso karo xarunta, oo aan gacan kale laga sugin kaalmo, isagoo xusay in dal walba uu dadkiisa dhisto.

Xarunta Golaha shacabka ayaa dhowr jeer oo hore dayactir lagu sameeyay, balse ma helin dayactir guud oo dib bilicdeeda loogu soo celiyay, waxaana xaruntan sanadihii 70-meeyadii lagu qabtay shirkii Madaxweynayaasha Midowga Afrika.

Dowladda Turkiga ayaa horay u balan qaaday inay dhisi doonto Xaruntii Baarlamaanka oo ku taala agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon, iyadoo xaruntan ay ku bur burtay dagaaladii, isla markaana aas aaskeeda uu ka dhagax taagan oo kaliya.

Wararkii ugu dambeeyay Fatahaada Wabiga Shabelle ee deegaano ka tirsan Sh/Dhexe (Sawirro)

Jowhar
Waxaa sii kordheysa cabsida laga qabo in Wabiga Shabelle uu ku fataho deegaano ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu wabiga ku fatahay Tuulooyin dhowr ah, halkaasoo dadkii degenaa ay ka barakaceen.

Tuulada Duduble oo hoos tagta degmada Mahadaay ayaa saameysay fatahaada, iyadoo biyo badan ay gudaha ugu galeen, isla markaana guryo badan uu baabi’iyay.

In ka badan 200 qoys ayaa ka barakacay fatahaada tuuladaas, kuwaasoo haatan saldhigtay meel banaan ah oo ku dhow tuuladooda, waxaana dadkan ay ka sameysteen aqalo cooshado ah, kuwaasoo aanay dhaxanta iyo roobka celin karin.

Sidoo kale Tuulooyinka qaar ayaa waxaa ka jira feejignaanta fatahaada wabiga, kadib markii uu wabiga uu si aad ah u biyo keenay, waxaana dhinaca kale socda dadaalo uu wado Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ayaa looga cabsi qabaa in kor-shubka wabiga ama siimow uu galo, waxaana soconaya cara-tuur lagu sameynayo hareeraha wabiga.












 

© 2011 site4som

Template By Nano Yulianto - Design Google Blogs - PageNav Abu Farhan